- February 23, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 23 Feb 2025; Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Ashir ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta hay’adda NADRA ee dalka Pakistaan oo Wasaaradda kala shaqeeya howlaha NIRA iyo Dad dhigista, kuwaas oo uu horkacayey Rehman Qamar oo ah madaxa mashaariicda.
Shirkan oo ay qeyb ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallim Xasan, Guddoomiyaha NIRA mudane Cabdiweli Cabdulle (Timacadde) iyo Agaasimaha Dad-dhigista mudane Cabdiqani Wehliye ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, khibrad wadaagga ee ku aadan casriyeynta nimaadyada danabeysan ee Aqoonsiga Qaranka iyo Dad-dhigista.