Kulanka Billaha Ee Wasaaradda

Muqdisho 17 Feb 2025; Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa guddoomiyey kulanka guud ee Wasaaradda kaasi uu goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir.

Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallim Xasan, Agaasime Waaxeedyada iyo lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda ayaa looga hadlayey dardargelinta howlaha shaqo iyo daadejinta mas’uuliyaadka.

Inta uu shirku socday waxaa lagusoo bandhigay xeernidaamiyaha sharciga nidaamka xukuumadda iyada oo sidoo kale looga hadlay isla xisaabtan dhanka shaqo gudashada gaar ahaan xaadirinta shaqaalaha.