- February 12, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 12 Feb 2025; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magaalada Muqdisho ku daahfurtay Kulanka Watashiga Hannaanka Maaliyadda Dowladaha Hoose ee dalka.
Kulanka Wadatashiga oo uu ujeedkiisu yahay in looga tashto Hannaanka Baahinta Maaliyadda Dowladaha hoose ayaa waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan.
Kulanka oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa waxaa ka qaybgalaya wakiillo iyo masuuliyiin ka socda labada heer ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka, iyadoo ay qayb ka tahay dedaallada wadajirka ah ee dhismaha Dowladaha Hoose dalka maadaama ay yihiin Hay’adaha ugu dhaw bulshada ee sida muuqda uga shaqeeya horumarinta kaabayaasha adeegyada Bulshada.