- February 10, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 10 Feb 2025; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku daahfurtay Kulanka Wadatashiga Nidaaminta Madasha Maayarrada Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa si rasmi ah u furay kulanka oo ay kasoo qayb-galeen qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada Dalka, Guddoomiyaasha Degmooyinka laga fuliyo Mashruuca Dowladaha hoose ee #DowladKaab.
kulanka socon doono muddo labo maalin ah ayaa ujeedkiisu yahay in la nidaamiyo Madasha Maayarrada Soomaaliya islamarkaana Dowladda kasoo saarto dukuminti Dowladeed oo nidaamsan kaas oo waafaqsan habka Maamul Daadejinta iyo Federaalka Dalka.