- February 8, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 08 Feb 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa kula kulmay safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Khaliil Affendi.
Inta lagu gudajiray arrimaha laga hadlay waxaa ka mid ah; Xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, dhiirigelinta doorashooyinka, iskaashiga dhinacyada xasillinta, dib-u-heshiisiinta, iyo arrimo kale.