- January 29, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments
Muqdisho 29 Jan 2925; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) uu wehliyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa kormeeray dhismaha ka socda Xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Howlwadeennada iyo Injineerrada ka shaqaynaya dhismaha Wasaaradda ayaa ka warbixiyey halka u marayo dhismaha Wasaaradda iyo shaqada laga qabtay.
Wasiir Cali Xoosh ayaa faray in ka dardargaliyo howsha dhismaha si ay dhawaan ugu howlgasho Wasaaradda, isla maarkana loogu adeego qaranka.