Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Ergayga QM Ee Soomaaliya

Muqdisho 28 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay ku simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta dedaallada wadajirka ah ee Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta iyo Doorashooyinka oo ay hoggaanka ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.