Kulanka Guddi Howleedka Xiriirka Xasilinta

Muqdisho 27 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Gen. Cabdullahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyey kulanka joogtada ah ee guddi howleedka farsammo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.

Kulanka oo bishaani ay martigelisay Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha kala duwan ee dowladda heer Federal kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha Xasilinta iyada oo ugu horreyn Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriirta howlaha Wasaaradda Amniga, Xasilinta iyo waxqabadka guddiga muddadi uu jiray.

Mudane Cabdullahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyey howlaha guddiga isaga oo adkeeyey muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha Xasilinta iyo wacyigalinta deegaannada laga xoreeyey Cadowga Khawaarijta, waxuuna ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan ajendeyaal mideysan oo loogu adeego guud ahaan umadda Soomaaliyeed, laguna tageerayo hortabinnada dowladda Soomaaliya.