Wasiir Cali Xoosh Oo Kormeeray Xafiiska Dowladda Hoose Ee Jowhar

Jowhar 23 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Mudane Cabdi Maxamed Guure(Karoore) ayaa booqday Xarunta Dowladda Hoose ee Jowhar, Caasimadda Dowlad Goboleedka Hiirshabeelle.

Waxaa xafiiska kusoo dhaweeyay Duqa magaalada Jowhar Mudane Cismaan Maxamed Mukhtaar( Beerreey) iyo xubnaha Golaha Deegaanka Jowhar, iyagoo ka wada hadlay xoojinta dedaallada wadajirka ah ee Arrimaha Xasilinta, adeeg daadajinta, Dad dhigidda iyo Dib-u-heshiisiinta.