Jowhar 22 Jan 2025, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo socdaal shaqo kujooga caasimadda Hirshabelle ee Jowhar ayaa warbixin la xiriirta Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta ka dhagaystay Xukuumadda Dowlad Goboleedka Hiirshabeelle kadib kulanka Golaha Wasiirrada uu guddoomiyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hiirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).
Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Amniga Gudaha, Awqaafta, Waxbarashada iyo Gargaarka ee Dowlad Goboleedka Hiirshabeelle ayaa soo jeediyay Warbixin la xiriira dedaallada Wadajirka ah ee Xasilinta degmooyinka iyo deegaannada Hiirshabeelle ee laga xoreeyay khawaarijta, iyagoo soo bandhigay guulaha laga gaaray arrimahaas.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa uga mahadceliyay Dowlad Goboleedka Hiirshabeelle, dedaallada ay galisay barnaamijka Xasilinta gaar ahaan goobaha laga xoreeyay khawaarijta, sidoo kale Wasiir Cali Xoosh ayaa intaasi raaciyey in Dowladda Federaalka ay kordhin doonto howlaha barnaamijka Xasilinta gaar ahaan Hiirshabeelle.
“Hannaanka Xasillinta, waxaan dhammaaday in kabadan 600 hawlood gaar ahaan deegaanada Khawaarijta laga xoreeyey” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey.