Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Golaha Deegaanka Jowhar

 

Jowhar 22 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cabdi Maxmed Guure ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Golaha Deegaanka Jowhar isaga oo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin: Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Dowladaha Hoose iyo qaar kale.

 

Ugu horreyn, Wasiir Cali Xoosh ayaa warbixin ka dhagaystay Maamulka Gobolka iyo Golaha Deegaanka Jowhar.

 

“Dhismaha maamullada deegaanka badan ka waa qeyb ka mid ah dowlad-dhiska iyo astaan muujineysa biseylka iyo in shacabka u diyaarsan yihiin doorashooyin toos ah ee dadkii matali lahaa, talaabadaas oo dedejineysa isla xisaabtanka iyo hufnaanta”. ayuu yiri Wasiir Xoosh.

 

Sidoo kale, kulanka waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda Xildhibaannada Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib).