Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Kulanka Banadhigga Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hiirshabeelle 2024

 

Jowhar 22 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qaybgalay Kulanka Bandhigga Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hiirshabeelle 2024 iyo Waxyaabaha Hortabinta u leh sanadka 2025.

 

Bandhigga ayaa la xiriiray waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyadooo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hiirshabeelle Mudane Cabdi Maxamed Guure ayaa ku dheeraaday waxqabadka Wasaaradda isaga oo sidoo kale ugu mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS wadashaqaynta iyo gacansiinta Hiirshabeelle, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh

 

Wasiir Cali Xoosh oo soo xiray Munaasabadda Bandhigga Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hiirshabeelle 2024 ayaa bogaadiyay guulaha ay gaarta Wasaaradda, isagoo adkeeyay ahmiyadda hirgelinta Doorasho qof iyo cod ah.