Jowhar 21 Jan 2025; Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa Madaxtooyada Hirshabelle kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku tagay magaalada Jowhar ee Xarunta Hiirshabeelle.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay soo dhawaynta Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan reer Hiirshabeelle.
Wasiir Xoosh ayaa inta uu joogo halkaasi waxaa uu kulamo la yeelan doonaa hoggaanka iyo qeybaha bulshada ee Hirshabelle.