Wasiir Cali Xoosh Oo Safa Shaqo Ku Tagay Jowhar

 

Jowhar 21 Jan 2025; Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa safar shaqo ku gaaray xarunta Hiirshabeelle ee Jowhar.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hiirshabeelle Mudane Cabdi Daahir Guurre, Duqa Jowhar Mudane Cismaan Beerreey, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada ayaa Wasiir Xoosh kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha.

 

Wasiir Xoosh ayaa inta uu joogo halkaasi waxaa uu kulamo la yeelan doonaa hoggaanka iyo qeybaha bulshada ee Hiirshabeelle.