Muqdisho 15 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR Mudane Charles Mballa.
Kulanka ayaa looga hadlay dedaallada wadajirka ah ee ku aaddan arrimaha Qaxootiga iyo Barkacayaasha ee Soomaaliya.