Muqdisho 14 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo uu wehliyo Agaasinka Guud ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Kulanka ayaa looga arrinsanayay horumarinta iyo xoojinta hannaanka wadashaqayn ee adeegga Baasaboorka iyo adeegga dad-dhigista.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday si habsami leh iyadoo lagu heshiiyay joogtaynta kulamada si looga miradhaliyo wadashaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha shaqa-wadaagga ah.