Wasiir Cali Xoosh Oo Kormeeray Hay’adda NIRA

 

Muqdisho 11 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kormeer ku tagay xarunta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka(NIRA), iyadoo uu halkaas uu kusoo dhaweeyay Maareeyaha Hay’adda Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde).

 

Wasiir Cali Xoosh ayaa indho indheeyey howlaha kala duwan ee socda oo ay ku jiraan mashiinnada casriga ah ee lagu shaqeeyo iyo guud ahaan xafiisyada kala duwan ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka(NIRA), isagoo u kuur galay habka shaqada.

 

Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh oo warbixinno ku saabsan shaqada iyo waxyaabaha u qabsoomay Hay’adda ka dhagaystay Madaxda NRA ayaa bogaadiyay dedaallada Hay’adda, isagoo faray in la dardargaliyo shaqada la xiriirta Diiwaangalinta Dadwaynaha si ay u helaan aqoonsigooda rasmiga ah.