Muqdisho 09 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyey Kulanka la xiriira bandhigga qorshe Howleedka sanadka 2025. Qorshaha Howleedka Qaran ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ay diyaarisay waxaa qeyb ka ah; Dimoqoraadiyadeynta, Dowladaha Hoose, Dib-u-heshiisiinta, Dad-dhigidda, Xeerarka iyo dhammaan howlaha qaran ee Wasaaradda.