Munaasabadda Xilwareejinta Hay’adda Qaxootiga Qaranka

 

Muqdisho 08 Jan 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XF Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xilka u kala wareejiyey Mudane Axmed Xuseen Cilmi Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha iyo guddoomiyihii hore ee hey’adda Marwo Safiya Xasan Maxamed.

 

Xildhibaan Cali Xoosh oo hadal kooban ka jeediyey Munaasabadda ayaa kula dardaarmay guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi dardargelinta shaqada hey’addaan muhiimadda u leh qaranka, isaga oo sidoo kale ku ammaanay guddoomiyihii hore marwo Safiya howlihii ay soo qabatay.