Muqdisho 06 Jan 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustaf Shiekh Cali Dhuxuloow.
Kulanka ayaa looga arrinsaday dardargalinta iyo hufnaanta arrimaha adeeg bixinta, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray in Xafiisyada adeegga baasaboor bixinta ka shaqeeya la gaarsiiyo degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.