Muqdisho 06 Jan 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cal (Xoosh) ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Muusiibooyinka Soomaaliyeed(SoDMA).
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin oo Wasiir Cali Xoosh kusoo dhaweeyay Xarunta ayaa Wasiirka siiyay Warbixin ku aaddan arrimaha maaraynta Musiibooyinka dalka oo ay Hay’adda ku guulaysatay muddada ay shaqaynaysay.
Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyay dedaallada Hay’adda SODMA ayaa faray in la dardargaliyo arrimaha Maareynta Musiibooyinka dalka oo ay SODMA u xilsaarantahay.