Wasiir Cali Xoosh Oo La Caweeyay Shacabka Dhuusamareeb

 

Dhuusamareeb 30 Dec 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo safar shaqo kujooga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa isaga oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Cumar Maxamed Diiriye waxuu caaways la qaatay qaybaha kala duwan ee Shacabka Caasimadda Dowlad Goboleedka Gulmudug ee Dhuusamareeb.

 

Wasiir Cali Xoosh ayaa dhagaystay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka ee Dhuusamareeb, Galkayo, Hobyo, Cadaado, Xarardheere, Cabudwaaq,  Balamballe iyo qaar kale, isaga oo kala hadlay hortabinnada dowladda iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa colaadaha ka jira deegaannada kala duwan.