Tababrka Tabarashaa Barnaamijka DDF

 

Muqdisho 23 Dec 2024; Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Yahye Omar Hersi ayaa furay Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Tababarka Tababarayaasha Barnaamijka Hormarinta Degmooyinka (DDF).

 

Tababarkaan ayaa lagu baranayey xirfadaha ka-qaybgalka bulshada ee horumarinta deegaanada iyo latashiyadooda, si kor loogu qaado awoodda iyo wada-shaqeynta bulshada iyo maamulka.

 

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa waxaa ka soo qaybgalay ilaa 20 qof oo ka kala socday degmooyinka Baraawe, Jowhar, iyo Kismaayo, iyo sidoo kale howlwadeeno ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka iyo wasaaradaha heer dowlad-goboleed.

 

Barnaamijkaan waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo awoodda dowladaha hoose si ay u gutaan waajibaadkooda ku aaddan adeegyada bulshada iyo horumarinta deegaanka.