Muqdisho 22 Dec 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFs Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ku daahfuray Muqdisho Kulanka Soo bandhigga Qorshaha Istaraatiijiyadda Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFs Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ka hadlay bandhigga istiraatijiyadda 5-ta sano soo socota ee Dhab u heshiisiinta ayaa sheegay in Wasaaraddu ay Dib-u-eegis ku samaysay Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran isagoo yiri” Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay dib-u-eegis ku sameysay Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran, iyada oo ay wasaaraddu wadatashiyo ballaaran ku qabatay dowlad goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, waxaa xigay in wasaaraddu ay daahfurtay Barnaamijka Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran 30-kiii Abriil 2024.”
Wasiir Cali Xoosh ayaa tibaaxay in Dib-u-heshiisiintu ay tahay tiir muhiim ah iyo in Wasaaraddu ay diyaarisay Istiraatijiyad lagu hirgalinaayo HDQ, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxaa uu yiri” Dib-u-heshiisiintu waa tiir muhiim ah oo lagu gaaro:
1. Xoojinta kalsoonida bulshada oo waxay dib-u-dhisaysaa kalsoonida bulshada dhexdeeda iyo dowladooda.
2. Ka hortagga khilaafaadka soo noqnoqda oo waxay abuureysaa hannaan iyo hab-raac loo maro xallinta khilaafaadka.
3. Horumarka iyo is-dhexgalka bulshada oo waxay fududeysaa in la abuuro bulsho isku xirran oo wadajir ku horumarta.
Dhinaca kale, Wasaaraddu waxaa kale oo ay diyaarisay istaraatiijiyadda 5-ta sano ee soo socota oo lagu hirgelinaayo Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran (2025-2029). Maantana waxaan halkan u joognaa in aan soo bandhigno Qorshaha Istiraatijiyada Qaranka ee Dib-u-heshiisiinta kaasi oo aanu dhowaan daahfuridoonno si loogu hago dedaalada dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta oo ay wasaaraddu hoggaamiso.”
Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa ka hadlay sida ay uga go’antahay in qorshaha loo bedalo mid dhaqan-gal ah, wuxuuna yiri “Waxaa naga go’an in aan qorshahaan u bedelno dhaqangal dhab ah. Waa waajibkeena in aan ku dadaalno hirgelinta istiraatijiyaddaan si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ah, oo mid ah Waxaan jeclahay inaan ku dhiirrigeliyo dhammaan ka qaybgalayaasha inay si dhab ah uga fikiraan talooyinka ugu dambeeya ku daraan qorshahaan istiraatijiyadeed, si uu uga jawaabo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed ee nabadabdeynta iyo dib-u-heshiisiinta.”