Aqoon Isweedaarsiga Baridda Ardayda Soomaaliyeed Ee Maadada Xalinta Khilaafaadka

 

Muqdisho 21-22 Dec 2024; Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare XFS Iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa si Wadajir ah ugu furay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Aqoon Isweedaarsi ku saabsan Baridda Ardayda Soomaaliyeed Xallinta Khilaafaadka.

 

Aqoon Isweedaarsiga ayaa waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan, iyadoo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socda Jaamacadaha dalka, Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada, UNDP Soomaaliya, UNSSC iyo khubarrada dhanka Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare oo ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada XFS.

 

Aqoon Isweedaarsiga oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa looga arrinsanayaa qaabka ugu habboon baridda Ardayda Maadada Xallinta khilaafaadka, taas oo qayb ka ah maadooyinka ardayda Jaamacadaha lagu baraayo sanadka asaasiga ah (Foundation year) kaas oo ay dhawaan soo kordhisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.