Aqoon Kororsiga Guddi Howleedka Farsamo Ee Xiriirka Xasilinta

 

Muqdisho 15-19 Dec 2024; Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa si rasmi ah usoo xiray Aqoon Kororsiga Xiriirka ee Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.

 

Wasiir Ashkir oo ka hadlay ujeedada Tababarka ayaa yiri” Ujeedada ugu wayn ee Aqoon Kororsigaan waa in la xoojiyo karaanka Howlwadeennada ka howlgala xafiisyada warbaahinta si waxsoo saarkooda uu u noqdo kuwa faaido u leh Dowladnimada, sahlaya isku Xirka Dowladda iyo shacabka taas oo ku salaysan isku dheelli tirnaan iyo isla xisaabtan”.

 

Wasiir Ashkir ayaa sidoo kale yiri” Aqoon Kororsiga nuucaan oo kale ah waxay awood siinayaan sare u qaadista
xirfadda Howlwadeennada, gaar ahaan kani wuxuu leeyahay ahmiyad gaar ah maadama ay si wadajir ah uga faaideysteen Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka shaqeeya xafiisyada Xiriirka.”

 

Qaar ka mid ah Madaxda Xiriirka ee Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qaybgalay Aqoon Kororsiga Xiriirka ee Guddi Howleedka Farsamo ee Xasilinta oo ka hadlay Munaasabadsa Gabogabada ayaa ka mahadceliyay islamarkaana bogaadiyay mudada 5-ta maalin ah ee uu socday Aqoon Kororsiga.

 

Ugu Dambayn, Wasiir Ashkir ayaa mid mid u guddoonsiiyay xubnaha ka faaideystay aqoon kororsiga shahaadi ay ku mutaysteen waxyaabaha ay barteen.