Wasiir Xoosh Oo Xarunta Wasaaradda Kusoo dhaweeyay RWK Saalax Jaamac

 

Muqdisho 10 Dec 2024; Ra’isul Wasaare Kuxigeenka JFS mudane Saalax Jaamac ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS iyada oo halkaasi kusoo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh).

 

Kulan weyn oo ka dhacay Wasaaradda, ugu horreyn, Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa bandhig ka sameeyey howlaha Wasaaradda.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhda Wasaaradda, waxqabadkeeda iyo guulaha sanadkaan la gaaray iyo howlaha hortabinta u leh sanadka soo socda.

 

Ugu dambeyntii, Ra’isul Wasaare kuxigeenka mudane Saalax Jaamac ayaa bogaadiyey howlaha socda ee Wasaaradda iyo guulaha laga gaaray shuruucda kala duwan.