Muqdisho 03 Dec 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Cunnada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP islamarkaana uu hoggaaminayay Wakiilkooda Soomaaliya mudane Elkhidir Daloum.
Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo WFP Soomaaliya ayaa looga hadlay dardargalinta arrimaha gargaarka Soomaaliya.