Muqdisho 30 Nov 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku qabatay kulanka Isla Jaanqaadka Howlwadeennada Mashruuca Dowlad-kaab.
Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa Guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan, iyadoo lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah oo ku aaddan habka wadashaqaynta Togan ee Howl-waadeennada loo qaatay Mashruuca Dowlad-kaab.
Sido kale, kulanka waxaa ka hadlay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada Dalka iyagoo soo bandhigay macluumaad ku aaddan caqabadaha ka jira dhanka Dowladaha Hoose iyo sida uu wax uga qaban karo Mashruuca Dowlad-kaab.