Muqdisho 28 Nov 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa guddoomiyey kulan looga hadlay howlaha Xasillinta. Kulanka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen hey’adaha Qaran iyo Saaxiibada beesha caalamka ayaa lagu falanqeeyey dedaallada Xasillinta ee goobaha la xoreeyey iyo Xasillinta sidii qeyb looga dhigi lahaa Qorsha Isbadalka Qaran.