Muqdisho 23 Nov 2024; Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo ay ogolaadeen 169, hal ayaa aamusay, labo ayaa diiday.
Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah midkii 3-aad ee doorashooyinka la xiriira ayaa waxaa gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.