Wasiir Cali Xoosh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Madaxda Hay’adda NIRA

 

Muqdisho 19 Nov 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Madaxda Hay’adda NIRA oo hoggaaminayay Maareeyaha Hay’adda Mudane Cabdiwali Timacadde.

 

Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Abdiwali Timacadde ayaa warbixin ka siiyay Wasiir Cali Xoosh dedaallada ay waddo Hay’adda NIRA ee ku aaddan aqoonsiga iyo diiwaangalinta dadwaynaha.