Xildhibaannada Labada Gole BJFS Oo Ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha

 

Muqdisho 16 Nov 2024; Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansxiyay Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

Guud ahaan tirada soo xaadirtay fadhiga oo ahaa 173 Xildhibaan oo labada aqal ah ayaa gebi ahaanba anisixiyey xeerkaan, iyadoo aaney jirin cid ka aamustay ama diiday ansixinta Hindisaha Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.