Wasiir Cali Xoosh Oo Uga Mahadecliyay Xildhibaannada Labada Gole Ansixinta Xeerka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha

 

Muqdisho 16 Nov 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo hadal jeediyey kadib ansixinta Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa u mahadceliyey xildhibaannada iyo Senatarrada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

Wasiir Cali Xoosh oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri” Anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumadda JFS iyo Magacaygaba, waxaan halkan Mahadcelin iyo bogaadin ugu soo jeedinayaa Shirguddoonka labada Gole ee Barlamaanka JFS, Xildhibaannada & Senatarrada Baaralamaanka iyo Guddiga Ku meelgaarka ah ee labada gole, sidii qiimahaha badnayd ee aad uga doodeen oo aad si aqlabiyad ah ugu ansixiseen Hindise xeereedka Dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha”

 

Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in Xeerkaan uu damaanad qaadayo Xil-gudashada iyo madaxbannaanida Guddiga isagoo yiri “ Xeerkani wuxuu damaanad qaad u yahay xil-gudashada iyo madax bannaanida Guddiga Doorashooyinka oo masuul ka noqonaya hirgelinta doorashooyinka heerarka kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qabashada Aftida Dadweeynaha iyo asteynta soohdimaha dalkeenna, iyagoo raacaya Siyaasadaha iyo xeerarka dalka.