Muqdisho 13 Nov 2024; Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabogabeeyey ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa horay ugu gudbisay Xildhibaannada labada Gole Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.