Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulan Farsamo Ee Doorashooyinka

 

Muqdisho 12 Nov 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Saadaad Caliyow ayaa guddoomiyay kulan farsamo oo la xiriira qorshaha Wasaaradda ee ku aaddan arrimaha Doorashooyinka iyo Dib-u-heshiisiinta.

 

Howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee arrimaha Doorashooyinka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa siiyay Wasiirrada Warbixin ku aaddan arrimaha socda ee la xiriira doorashooyinka iyo Dib-u-heshiisiinta.