Muqdisho 07 Nove 2024; Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qabtay kulanka dhallinyarada ee ku aaddan “Doorka Dhallinyarada iyo Doorashada Tooska ah” kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta XFS.
Waxaa ka qaybgalay dhallinyaro ka badan 300 oo ah hoggaanka Dhalinyarada, iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madax kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Jamaal Cabdilaahi Maxamed ayaa ka qaybgalayaasha Barnaamijka Doorka Dhalinyarada ee Doorashada tooska ah( Qof iyo Cod) kusoo dhaweeyay madasha.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan oo ka hadlay kulanka ayaa tibaaxay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaarisay dhammaan habraacyada sahlaya in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Dhanka kale, Agaasime Cayduruus ayaa hoosta ka xarriiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed haystaan fursad ay ku go’aamiyaan masiirka Dalka, iyadoo loo maraayo doorasho qof iyo cod ah.
La-taliyaha Dhanka Sharciyada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Garyaqaan Carrafaat Cali Maxamed ayaa ka qaybgalayaasha Kualanka u jeediyay dulmar guud oo ku saabsan nidaamka doorashada dalka iyo heerarka ay soo martay.
Guddoomiyaha Dhalinyarada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdiraxmaan Macoow ayaa kulanka ka sheegay in dhalinyarada ku nool Gobolka Banaadir ay soo dhawaynayaan doorasho qof iyo cod ah islamarkaana uu masiirkoodu ku xiranyahay.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waxiid ayaa sheegay in dalka uu ka jiro amni iyo xorriyad sahlaya in lagu qabto doorasho toos ah oo qof iyo cod.
Xildhibaan Ifraax Maxamed Cawad (Nooleeye) oo ah xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka BFS ayaa bidhaamisay baahida dhainyarada ay u qabaan doorshada tooska ah ee qof iyo cod.
Xildhibaan Ifraax Nooleeye oo ka mid ah madaxda ka qaybgalaya Kulanka dooorka Dhalinyarada ee doorahada tooska ah ayaa sheegtay in Xildhibaannada Dhaliyarada ah ee ka tirsan labada gole ee BFS ay diyaar u yihiin meelmarinta iyo u qareemidda nidaam doorasho oo qof iyo cod ah.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo ka mid ah Madaxda Ka qaybgalaysa kulanka Doorka Dhalinyarada ee doorashooyinka tooska ah ayaa sheegay in Soomaaliya ay laga hirgalin karo doorashada, waliba si sahlan.
Wasiir Cumar ayaa tusaale usoo qaatay dalka Afghaanistaan doorashooyinka laga qabtay oo uu sheegay in duruuf ahaan kasii adkayd Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha XFS Xildhibaan Maxamed Barre ayaa si rasmi ah usoo xiray Kulanka Doorka Dhalinyarada ee doorashooyinka tooska ah( qof iyo cod).
Wasiir Maxamed Barre ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgalinayso soo jeedinta dhalinyarada ee ku aaddan doorashooyinka tooska ah.
Ugu Dambayn, Wasiir Maxamed Barre ayaa ugu mahadceliyay dhalinyarada Soomaaliyeed baraarugooda iyo rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah.