Wasiir Cali Xoosh Oo Furay Shirwaynaha U Adkaysiga Aafooyinka

 

Muqdisho 06 Nov 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Shirwaynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Muqdisho.

 

Wasiir Cali Xoosh oo hadal ka jeediyay munaasabadda Daahfurka ayaa bidhaamiyay muhiimadda uu leedahay Shirwaynaha u adkaysiga aafooyinka, isagoo arrintaasi ka hadlaya ayuu yiri” Shirkan ku saabsan u adkeysiga aafooyinka , waa shir muhiiim u ah dalkeena, sababtoo ah waxaan ognahay sidaan ula la daala’ dhacayno had iyo jeer musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhasha cimilada , sida abaaraha, iyo fatahaadaha, iyo kuwo ay banai’aadamku sababaan sida colaadaha, kuwaas oo samayn xoog leh kuyeesha habnololeedka bulshada, taasoo lagama maarmaan ka dhigaysa inaan ka wada shaqayno sidii loo dhisi lahaa bulsho adkaysi u leh dhibaatooyinka wiiqay nolosha, wax soo saarka iyo hormarka umadda soomaaliyeed”

 

Ugu Dambayn Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Muqdisho waqtiga iyo dedaalka ay ku bixiyeen Shirka isagoo yiri waxaan bogaadinayaa dadaalka hay’adda SoDMA iyo Jaamacadda Muqdishu howlwadeenada iyo aqoonyahanda suurtagaliyay in shirkan uu u qabsoomo sidan heerka sare ah, Waxaana rajaynayaa in shirkan ay isugu yimaadeen aqoonyahanka iyo khubarada Soomaaliyeed ay kasoo bixi doonaan talooyin iyo fikrado waxtar u leh wax ka qabashada xaaladaha masiibooyinka daashaday dalkeenna.