Baydhabo 05 Nov 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed ayaa Baydhabo ku daahfurtay Aqoon isweydaarsi ku saabsan casharada laga Bartey Dadaallada Xasillinta ee Soomaalya.
Kulankan oo sidoo kale looga arrinsanayo iskudubbaridka howlaha Xasillinta, kahortagga caqabadaha iyo horumarinta adeegyada laga fulinayo Degmooyinka iyo deegaannada dhowaan laga xoreeyey Khawaarijta ayaa waxaa goobjoog ka ah mas’uuliyiinta heerarka kala duwan ee dowladda iyada oo inta uu socdo wax badan la isku weedaarsan doono.