Wasiir Cali Xoosh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Howlwadeennada furfurista Astaynta Awoodaha

 

Muqdisho 04 Nov 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Howlwadeennada ka shaqaynaya furfurista Astaynta Awoodaha Dowladda Heerarkeeda kala duwan oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

Kooxda ka shaqaynaysa arrimahaan oo ka kala socda Xafiisyada kala duwan ee Dowladda Federaalka ayaa u soo bandhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Qorshaha shaqo Astaynta Awoodaha Dowladda, iyadoo horey kulamo la tashiyo joogta ah lala soo sameeyay dhammaan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu sii daadajiyay awoodaha ay kala leeyihiin iyo awoodaha wadaagga ah.

 

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cali Xoosh oo bogaadiyay shaqada muhiimka ah oo aysoo qabteen Howlwadeennada isaga oo faray in lasii dardargaliyo shaqada.