Kulanka Billaha Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS

 

Muqdisho 02 Nov 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa maanta shir guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Agaasimeyaasha Wasaaradda.

 

Shirkan oo ay qeyb ka ahaayeen Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa la iska wareystay howlaha Wasaaradda iyada oo lagu soo bandhigay warbixinno qaar ka tirsan howlaha Waaxyaha.

 

Ugu dambeyntii, Agaasime Caydaruus ayaa sheegay ahmiyadda dardargelinta howlaha Wasaaradda iyo daadejintooda isaga oo kula dardaarmay in la xoojiyo wax socda.