Muqdisho 30 Oct 2024; Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin ayaa guddoomiyey kulanka joogtada ah ee Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.
Kulanka oo ay martigelisay Hay’adda SODMA ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha kala duwan ee dowladda heer federaal ee ka shaqeeya arrimaha Xasilinta iyada oo Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Gurbiye uu ka warbixiyay baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadka guddiga ee tobinkii bil ee lasoo dhaafay.
Guddoomiye Maxamuud Macallin oo ka hadlay Kulanka ayaa bogaadiyey howlaha guddiga isaga oo adkeeyey muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha warbaahineed iyo wacyigalinta deegaannada Cadowga Khawaarijta laga xorreeyay iyo in sidoo kale ay xafiisyada warbaahineed ee dowladda yeeshaan ajendeyaal mideysan oo loogu adeego Ummadda Soomaaliyeed.