Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan La Qaatay Ugaaska Beesha Sade

 

Muqdisho 29 Oct 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo ah Ugaaska Guud Ee beesha Sade.

 

Inta uu kulanku socday waxaa laga hadlay Dib u heshiisiinta iyo Nabad-dhiska.