Muqdisho 28 Oc 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane Ambassador Wang Yu. Inta uu kulanku socday, arrimaha laga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; iskaashiga labada dhinac iyo taageeridda howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.