Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanno Kasoo Jeeda Luuq

 

Muqdisho 26 Oct 2024; Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta xarunta wasaaradda kula kulmay xildhibaanada Federaalka ah kuwaasi oo kasoo jeeda degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyada oo uu kala hadlay sidii loo xakamayn lahaa xiisadda colaadeed ee degmada ka taagan.

 

Ugu horreyn, Xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee matala degmadaasi ayaa Wasiirka uga warbixiyay xaaladda, iyaga oo sheegay inay arrinta degmada Luuq ay u baahantahay wax ka qabad degdeg ah, waxa ay intaas ku dareen in dhankooda ay dadaal kasta ku bixin doonaan sidii xalwaara loo gaari lahaa.

 

Ugu danbayn, wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay dhibaatada umadda kala gaareysa, loona baahanyahay daminta dirirta, dib u heshiisiin dhab ah iyo xalwaara, isaga oo ballanqaaday in si degdeg ah wax looga qaban doono xaaladda degmada Luuq, wasaaradduna ay dadaal ku bixin doonto, iyada oo la kaa shanaysa maamul goboleedka Jubbaland.