Wasiir Cali Xoosh Oo Soo Dhaweeyay Dhalinyaro Laga Soo Badbaadiyay Liibiya

 

Muqdisho 24 Oct 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay Dowladda Soomaaliya dalkooda dib ugu soo celisay kuwaas oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.

 

Munaasabadda dhalinyarada lagu soo dhaweeyay ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay horreeyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Batroolka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Amniga Gudaha XFS.