Muqdisho 24 Oct 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay baaq nabadeed u diraysaa Beelaha walaalaha ah oo ay dirirtu ku dhexmartay degmada Luuq ee Gobolka Gedo, Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Wasaaradda waxay ugu baaqaysaa Beelaha wada dagan in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dirirta sababtay in si macno darro ah uu daato dhiigga dadka walaalaha ah. Sidoo kale Wasaaraddu waxay odayaashaa Dhaqanka, Culimada, Haweenka iyo Guuud ahaan Waxgaradka labada dhinac ka codsanayaa in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii xal-waara looga gaari lahaa colaadda hallaasi ka jirta, iyadoo lala kaashanayo maamulka.
Ilaahey ha u naxariisto intii dhimatay, inta dhaawaca ahna Ilaahey ha u booga dhayo.