Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Soo  Xirtay Qorshaha Xasilinta

 

Dhuusamareeb 18 Oct 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug kusoo xirtay Kulanka Naqshadaynta Xasilinta Goobaha dhawaan laga xoreeyay khawaarijta(NRA).

 

Kulanka oo hoggaamiyeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Cabdi Waayeel iyo Isu Duwaha Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Mudane Ramadaan Cilmi ayaa diiradda lagu saaray horumarinta Siyaasadda Istiraatiijiyadeed ee maamulka isku dhafka ah ee dhanka Amniga iyo Caddaaladda.

 

Iyada oo ay kulanka qayb ka ahaayeen Wasaaradaha Muhiimka ah ee Amniga iyo Caddaaladda.