Wasiir Cali Xoosh Oo Geneva Kaga Qaybgalay Dood Cilmiyeed

 

Geneva 15 Oct 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qaybgalay Dood Cilmiyeed looga hadlay Arrimaha Dhisidda Aaminaadda, Amniga, Dib-u-heshiisiinta iyo dhabbaha Xallinta Khilaafaadka.

 

Isagoo Wasiir Cali Xoosh arrimahaas ka hadlaya ayuu yiri” waxaan diiradda saarnaa arrimaha Dib-u-xoraynta, Xasilinta, soo kabashasa iyo Dimuqraadiyadeynta. Waa ajenda hortabin u leh Dalkeenna oo ay ka go’antahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay fuliyaan.