Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Madaxda Hay’adda SDC

 

Geneva 14 Oct 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan doceed la qaatay Agaasimaha Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga ee SWISS-ka Danjire Patricia Danzi.

 

Kulanka ayaa la xiriiray arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Dowladaha Hoose iyo Dedaallada arrimaha Xasilinta.